NISA oo howlgal uga jawaabtay weerar lagu qaaday xarun ay ku leedahay Gobolka Hiiraan!

Al-Shabaab ayaa weerartay Bar kontorool oo Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ku leeyihiin Deegaanka Ceel-jaalle Duleedka Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goobta la weeraray waxaa lagu hubiyaa gaadiidka iyo dadka gudaha u galaya Magaalada Baladweyne iyo kuwa ka baxaya, waana barta NISA ay kala socoto dhaq-dhaqaaqa Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa sameeyay howlgal jawaab u ah weerarka Al-Shabaab, waxa ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ama xiriir uu kala dhaxeeyo.

Baaris kooban, dadka qaar ayaa lasii daayay, halka shaqsiyaadka kale ay u wateen xarumahooda ciidanka si ay u mariyaan baaritaan kale oo ay ku hubinayaan Al-Shabaabnimada ay ku tuhuntay NISA.

Inta badan Nabadsugidda warbaahinta lama hadasho, waxaana la hubin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka gaaray weerarka Al-Shabaab ee barta hubinta ah ee duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More