Nin guuleystay $10M ayaa ugu dhintey duruufo qarsoon Itoobiya

“Had iyo jeer waxaan dhihi jiray haddii aan ku guuleysto bakhtiyaanasiibka, waxaan ku caawin doonaa dadka u baahan,” Michael Gebru ayaa yiri guushii kadib.

32,274

Nin guuleystay $10M ayaa ugu dhintey duruufo qarsoon Itoobiya. Michael Gebru, oo 41-sano jir ah. Kaasi oo laba sano kahor hal habeen ku noqday Milyoneer ayaa wuxuu ku geeriyooday Itoobiya.

Shaqsigan oo dhalasho labaad ka haystay Canada. Ayaa waddankiisa hooyo u tegay kormeerida meesha uu ku dhashay oo xaalado adag laga soo wariyey.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa sababay dhimashadda ruuxan. Balse su’aallo badan oo ka dhashay ayaa laga dhowrayaa baaritaan socda.

Gebru ayaa ku guuleystay sanadkii 2017-kii baqtiyaanasiib ku xusan 10 milyan oo dollar-ka Mareykanka. Balse isaga wuxuu filayey 14-milyan.

Sosuna Asefaw, oo ina-adeertiisa ah, taasoo sheegtau in la dilay Gebru ayaa caawimaad waydiisatay safaaradda Canada ee Addis Ababa.

“Hadii aan ku guuleystay, waxaan lacagta siin doonaa dadka u baahan,” waxay qayb ka ahaayeen hadaladda Gebru yiri kahor guusha noloshiisa bedeshay.

Safaaradda oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay tacsi u dirtay ehelka, balse ma aysan ka waramin talaabadda xigta oo ay qaadi doonto.

Sikastaba ha ahaatee, Michael Gebru oo todobaadyo kahor ku laabtay Itoobiya ayaa Canada wuxuu kaga noolaa magaaladda Toronto, halkaasoo looga baroor-diiqey.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More