Nabadsugidda Puntland oo soosaartay Miino lagu aasay

Nabadsugidda DG Puntland ayaa howlgal qorsheysan ay ka fulisay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug waxa ay kusoo saartay miino la geliyay qayb kamid ah garoon kubadda cagta lagu dheelo.

Ciidanka ammaanka Puntland ee loosoo gaabiyo PSF-ta ayaa sheegay in miinadaan loogu talagalay in lagu qarxiyo Garoonka kubadda Cagta Cawaale ee ku yeella Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sooma bandhigin shaqsiyaad lagu soo qabtay howlgalkaan, sidoo kale ma aysan bixin faah-faahin ka dheer miinada ay soo saareen oo ay ku sheegeen in loogu talagalay Garoonka kubadda cagta ee Cawaale.

Hay’daha ammaanka DG Puntland ayaa joogteeyay baarista ay ka sameynayaan deegaannada waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan Dowlad Goboleedkaas maamula, kadib markii falalka amni darro ay kordheen.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faray laamaha ammaanka in ay joogteeyaan howlgalada amni xaqiijinta si wax looga qabto shaqsiyaadka xiriirka la leh Al-Shabaab, Daacish & kuwa Dhaqaalaha ka sameeya walxaha maanka-dooriya.

Axadle.