Muxuu yahay ujeedka Heshiiska Dowladaha Soomaaliya &

Magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiixday Dowlaaha Soomaaliya & Talyaaniga, ujeedkiisu waa horumarinta mashruuca biyo xireenka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Talyaaniga ayaa ballanqaaday in uu sameynayo dhismaha Biyo xireenka & dib u dayactirka Jiinka wabiga Shabeelle oo ah meelaha ugu badan ee uu karkaarada ka jabsado marka uu fatahaadda sameynayo.

Buundooyinka Koofurta & Bartamaha Soomaaliya oo ay horay u dhistay Dowladda Talyaaniga waqtii dalka ay maamuleysay Dowladdii kacaanka ee afgamiga dalka ku qabsatay ayaa haatan daneyneysa dib u hagaajinta buundoonyinkaas.

Siciid Xuseen Ciid Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo Soomaaliya u saxiixay mashaariicda Xukuumadda Roma ay fulineyso ayaa sheegay in arrintaan ay kahortag u tahay fatahaadda Wabiga.

“Mashruucaan waa mid muhiimad weyn u leh dalka, waana xalka looga hortagi karo fatahaadda Wabiga, sanadkii hore ayay ahayd in uu bilawday, balse dib u dhac ku yimid ayaa haatan lagu soo beegan, waxaana ku baxaya 6-Milyan oo Yuuro” Sidaasi waxaa yiri Sii hayaha Wasiirka Beeraha XFS.

Dadka Magaalada Baladweyne ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay marar kala duwan sameeyay barakac xooggan kadib markii fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle ee kala qaybiga Magaaladaas.

Axadle.