Muxuu Rooble kala hadlayey saraakiishii uu u yeeray?

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ugu yeeray kulan uu la qaato saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu qabtay xafiiskiisa.

R / wasaare Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha si uu uga dhageysto warbixino la xiriira xaalada amni ee dalka iyo qorshayaashooda ku aadan sugida amniga dalka.

Afhayeenka dowladda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu faray saraakiisha in ay kordhiyaan amniga dalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu la kulmay saraakiisha amniga ee dalka, wuxuuna ugu horeyn warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada amniga. Ra’iisul wasaaraha wuxuu ka codsaday hey’adaha amniga inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo amniga Axadle inta lagu guda jiro bisha barakeysan.” Inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, wuxuu sidoo kale ku booriyay laamaha amniga inay la shaqeeyaan oo ay kordhiyaan kulamadooda, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Rooble uu kula dardaarmay saraakiisha in ay kaqeyb qaataan badbaadinta dadka masaakiinta ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan sidoo kale wuxuu ka codsaday dadka taajiriinta ah inay caawiyaan dadka saboolka ah.

Kulankan ayaa ku yimid qorshayaal lagu kordhinayo waqtiga baarlamaanka iyo madaxweyne farmaajo oo labaduba soo dhamaystay mudadii ay joogeen, waxaana la tuhunsan yahay in Rooble uu kala hadlay arimo laxiriira sidii ciidamada ay gacan uga geysan lahaayeen howlaha sharci darada ah ee la qorsheynayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More