Muwaadin Soomaaliyeed oo maanta maxkamad lagu soo taagayo

Muwaadin u dhashay Soomaaliya oo ay xireen laamaha amaanka dalka Malta ayaa maanta oo Khamiis ah la soo taagayaa maxkamada sida ay sheegeen saraakiisha garsoorka dalkaasi.

Muwaadinkaan oo aan la shaacin magaciisa ayaa loo haystaa iibinta dukumiintyo been abuur ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan oo 32 jir ah lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa iibinta baasaboorro iyo sharci deganaansho si ay ugu suurtagasho in uu dad kale soo galiyo ama ka baxaan dalka Malta.

Waxaa la qabtay intii lagu guda jiray hawlgal ay boolisku ka sameeyeen gurigiisa oo ku yaal magaaladda Marsascala oo ku taal gobolka Koonfur Bari ee dalka Malta.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay dukumiintiyo been abuur ah iyo dukumiinti asal ah oo ay xadeen ninkaan shaqsiyaad kale haatana baaritaankiisa la soo gabagabeeyay

Maanta oo Khamis ahna la soo taagayaa maxkamad.

Isha:Independent.com.