#Muwaaddiniin Kenyaan ah oo u tartamaya Madaxtinimada Jubaland

28,869

Muwaaddiniin Soomaali Kenyaan ah ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland ee doorashadiisu lagu wado in ay dhacdo 22ka Bishan.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah musharrixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ay heystaan dhalashada dalka Kenya islamarkaana doonayaan in ay hoggaamiye ka noqdaan Maamulka Jubaland.

Tartanka loogu jiro Jubaland ayaa waxaa dowladaha shisheeye ee uu u dhaxeyso waxaa ka mid ah Itoobiya, Qadar iyo Kenya, iyada oo sidoo kale ay jiraan dowlado kale oo daneeyayaal ah hayeeshee sida saddexdaas dowladood oo kale aan banaanka iskeenin.

Muwaaddiniinta Kenyaanka ah ee ku jira doorashada Jubaland ayaa waxaa ay kala yihiin Maxamed Shakuurl oo heysta dhalashada dalka Kenya, Maxamed Marsheeye oo heysta dhalashada dalka Kenya iyo Abdi Raage oo isna heysta dhalashada Waddanka Kenya.

Cabdi Raage ayuu Wargeysku sheegay in uu yahay saxiib hore oo uu lahaa Barre Aadan SHire Hiiraale iyo C/Naasir Seeraar oo laftiisa musharrax ah.

Guuleed Khaasim oo ka mid ah musharrixiinta ayaa sida uu sheegay Wargeyska waxaa uu dowladda Kenya ka codsaday in ay soo farageliso doorashada Jubaland islamarkaana saddexda Nin ee Kenyaanka ah ka saarto tartanka.

Guuleed ayaa yiri ” waxaan dooneynaa dowladda in ay soo farageliso musharrixiintanna ka saarto, sababta oo ah waxaa ay ka shaqeynayaan wax liddi ku ah danaha Kenya”.

Saddexda Nin oo lagu daraya Axmed Madoobe ayey taageereysaa Dowladda Kenya sida ay shalay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya ayaa si gaar ah u xustay in musharraxeeda 1aad uu yahay Axmed Maxamed Islaam, islamarkaana ay ku garabsiineyso doorashada dowlad Goboleedka Jubaland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More