#Muuse Biixi oo eryay saddex wasiir iyo wakiilkii Somaliland ee Itoobiya

79,667

- Advertisement -

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa xil ka qaadis ku sameeyay saddex kamid ah wasiirada xukuumadiisa iyo wakiilkii maamulka gooni isu taaga ah u fadhiyey dalka Itoobiya.

- Advertisement -

Sidda ku cad wareegto ku taariikheysan 14-ka April 2019, wasiiro cusub ayaa loo magacaabay jagooyinkaasi, wallow aanan lagu xusin bayaanka sababta loo eryay mas’uuliyiintii xilkaasi haysay.

Warar ayaa sheegaya in ay qayb ka tahay isbedal uu hogaamiyaha maamulka Hargeysa uu ku sameynayso xukuumadiisa oo ay qaab dhismeedka ku qanac-saneen xubnaha ka aragtida duwan.

Mas’uuliyiinta cusub ayaa kala ah; Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Caafimaadka, Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi, Wasiirka Qorshaynta iyo Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha.

Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa horey u ahaa wasiirka qorsheynta iyo horumarka ee maamulka Somaliland oo haatan ay muuqato in uu daaqada ka baxay.

Waxaa intaasi wehlisa in la eryay Axmed Xassan Cigaal oo ahaa wakiilkii maamulka Somaliland u fadhiyay dalka Itoobiya, waxaana booskaasi loo magacaabay Salaan Xasan Kayd Cabdille.

Illaa iyo haatan kama aysan fal-celin mas’uuliyiintaan go’aanka uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu jagada uga xayuubiyay.

Dabayaqaadda bishii hore ee Maaj ayay ahayd markii uu sidaan oo kale xilka ka qaaday Muuse Biixi wasiiro kamid ahaa xukuumadiisa kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku tagrifaleen hanti dadwayne.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More