#Musharrixiinta Jubaland oo ka horyimid Xildhibaannada la shaaciyay

2,566

Musharrixiinta dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si cad u diiday in ay u hoggaansamaan liiska musharrixiinta ee ay xalay shaaciyeen Guddiga doorashada Jubaland

Maxamed Ibraahim Shakuul, oo ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in aysan raalli ka ahayn xildhibaannadaas.

Musharraxa ayaa ku dooday in Xildhibaannada aysan ahayn kuwii ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka saxda ah ee dowlad Goboleedka Jubaland.

Dadka diiddan habraaca doorashada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu sameeyay qaab aan sax ahayn waxaana ay sheegayaan in kursigiiba loo xulay saddex Xildhibaan islamarkaana Axmed kala baxay XIldhibaanka isaga taageersan.

Guddiga doorashad Jubaland ayaa xalay shaaciyay liiska 73 xildhibaan oo ka mid ah 75 xildhibaan ee uu ka koobanyahay baarlamaan Goboleedka Jubaland.

Doorashada Madaxtinimada Jubaland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 24ka Bishan iyada oo Musharrixiinta mucaaridka ah ka gadoodeen ka qeybgalka doorashada Jubaland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More