Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo laga dalbaday …

Muqdisho (Axadle) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galayey dood lagu qabtay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tartan adag ee loogu jiro xilka madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta looga baahan yahay inay shacabka u soo bandhigaan hantidooda, ka hor doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya gudaha dalka.

Siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado hantida qofka, ka hor qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo, haddii uu yimaado ku takri-fal awoodeed.

“Musharraxiinta u tartameysa kursiga ugu sarreeya Soomaaliya waa in shacabka ay u bandhigaan hantidooda, ka hor doorashada iyo qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo haddii ay ku takri falaan hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay xaqiiqada, isla-markaana la sameeyo guddi la’isla ogol yahay oo baaritaan dhab ah sameeya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in haatan Soomaaliya ay sameeyneyso kobac siyaasadeed, loona baahan yahay in la horumariyo dadka iyo dalkaba.

Warsame waa musharraxii ugui horreeyey ee dhaqaale weydiista shacabka Soomaaliyeed, si uu garab uga helo, maadaama uu qeyb ka yahay musharraxiinta uu hamiga ku jiro.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana ay u diyaar garoobeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More