Musharixiiinta Hogaamiyaha 20/21 oo xoogga saaraya Dowlad

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21 ayaa Magaalada Baydhabo ka wada kulamo looga xaajoonayo Doorashada Dalka.

Kulamada intooda badan waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee DG Koofur Galbeed, qaybaha kala duwan ee Bulshada & shaqsiiyaadka uu u arko in ay kaalin muuqata ku leeyihiin Doorashada Soomaaliya 20/21.

Wafdiga Musharixiinta Hogaamiyaha ayaa ujeedkooda ah sidii ay ula kulmi lahaayeen Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada si ay ugu bandhigaan tabashada ay ka qabaan shaqsiyaadka qaar ee lagu daray Guddiyada Doorashada 20/21 & habka DFS ay wax u maamuleyso.

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Habeenkii Talaadada Todobaadkaan weerar afka ah ku qaaday Musharixiinta Hogaamiyaha ee dhaliilsan Guddiga Doorashada isla markaana difaacay habka loo maray soo magacaabistooda ayaa qaabilay wafdiga Shariif Sheekh Axmed.

Horaantii November 2020, Labo jeer ayuu tagay Shariif Sheekh Axmed Magaalada Jowhar oo xarun u ah DG Hir-Shabeelle oo xiligaas ay ka socotay howsha lagu dhisay Maamulkaas oo ugu dambeyn 11-ka November 2020 la doortay Hogaamiye & ku xigeenkiisa.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More