#Museveni “Askarta aan Akhlaaqda laheyn waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda looga baahan yahay”

2

Madaxweynaha Uganda ayaa markale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya xilli dhawaan lagu xasuusto in uu weerar ku qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay meel aysan ka jirin dowlad.

Yoweri Museveni ayaa Soomaaliya ku tilmaamay meel aan laga xushmeyn dumarka laguna dhibaateeyo, waxa uuna askarta dalkiisa ee dhibaateeya Dumarka Uganda iyo kuwa aan anshaxa laheyn ugu baaqay in ay codsi soo qortaan si Soomaaliya loogu diro.

Dalka Uganda dhawaan waxaa ka dhacday in uu dharbaaxay Askari ka mid ah Ciidanka dalkaasi haweenay ka mid aheyd Ciidanka Taraafidda, waxaana qabsaday baraha bulshadda Muuqaal laga duubay Askarigaasi oo bulshadda ay si weyn uga Caroodeen.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dadka dhaqanka xun oo Askarta ay qeyb ka yihiin ay u musaafirin doonaan Soomaaliya,halkaasoo uu sheegay in looga dhaqmo sidda ay rabaan.

Waxa uu ugu baaqay Museveni askarta aanan dooneyn ku dhaqanka sharciga inay codsi soo qoraan si Soomaaliya loo geeyo, isaga oo tusaalaha u soo qaatay in Soomaaliya uusan ka jirin ku dhaqan sharci in iyo la xaqdhooro dumarka.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal u galka Soomaaliya , Maxaayeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More