Muqdisho oo aas qaran loogu sameynayo AUN Cali

0

Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya oo Arbacadii 10-kii Maarso 2021 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan sida Hogaamiyayaasha Dowlada Federaalka ee waqtigeedu dhamaaday, Madaxweynayaashii hore, Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale, ehelada iyo asxaabta.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa loo yareeyay isticmaalka joogtada ah ee gawaarida iyo mootooyinka waxaana ciidamo la geeyay si ay u xiraan wadooyinka qaar sababo la xiriira amniga aaska.

Guddiga Golaha Wasiirrada ee Aaska Qaran ee Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in howshu ay dhammaatay, waxa kaliya ee harayna ay tahay in meydka marxuumka la keeno si loogu tukado ka dibna loo aaso.

Wasiiru dowlaha arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowladda KMG ayaa ka codsaday imaamyada masaajida magaalada Muqdisho in ay u duceeyaan marxuumka salaada jimcaha kadib.

Maxaan ka ognahay taariikh nololeedka AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More