Muqdisho:-Haweenay qarax isku soo xirtay oo dishay sarkaal

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Haweeney isku qarxisay Sarkaal ka tirsan ciidamada dhar cadka ee Nabad Sugida Soomaaliya.

Sarkaalka la isku qarxiyay oo magaciisa lagu soo koobay Caana Geel, ayaa ku sugnaa xaafada Black-Sea, waxaana mar kaliya isku duubtay haweeneydan, iyadoo la maqlay qaraxa xooggan.

Wararka laga helayo halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in sidoo kale qaraxan ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale, labadan waxey ahaayeen ilaalada Sarkaalkan la dilay sida ay sheegeen goobjoogyaal.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in Sarkaalka a dilay uu xiligaasi ku sugnaa halka ay saaran tahay diyaarada Daallo.

Sarkaalka ayaa ilo dhanka amaanka ah sheegeen in uu horay uga soo goostay Al Shabaab kuna biiray ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya isaga suuqa Bakaaraha dagaalo kula galay xubno ka tirsan Al Shabaab.

Ilo dhanka amaanka ah ayaa sidoo Axadle u sheegay in sarkaal uu mudooyinkii dambe Al Shabaab u soo direen fariimo hanjabaad ah madaama uu horay uga soo goostay.

Majirto cid dusha saaratay masuuliyada weerarkaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More