#Mudaharaado Lagu Taageerayo Hogaamiyaha Suudaan Oo ka Dhacay Magalada Khartuum

3

- Advertisement -

Dibadbaxyo lagu taageerayay madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa maanta ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi.

- Advertisement -

Mudaharaadkan oo ka dhacay fagaaraha Green square ayaa waxa soo qaban qaabiyay xisbiga talada dalkaasi haya, waxaana kasoo qeyb galeen boqolaal qof, kuwaaso lulayay calanka dalka Suudaan.

Telefishinka dowladda Suudaan ayaa baahiyay muuqaalada dibadbaxyadaasi, waxaana la arkayay mudaharaadayaasha oo ku dhawaaqaya ereyo muujinaya ahmiyada ay leedahay midnimada shacabka Suudaan.

Dhanka kale, dibadabaxyo kale oo looga soo horjeedo dowladda Suudaan ayaa maanta la filayaa in lagu qabto agagaarka baarlamaanka dalkaasi.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More