Mucaaradka oo bogaadiyey tallaabadii uu maanta qaaday Rooble…

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah garabka mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay tallaabo uu sheegay inuu qaaday ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib dalab ay u direen xildhibaano uu kamid yahay.

Mahad ayaa sheegay in Rooble uu ka dambeeyo amarka uu taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed uu maanta ku bedelay qaar kamid ah ciidamadii Asluubta ee ku sugnaa xarumaha dowladda iyo kontoroolo muhiim ah.

“Waxaan bogaadinayaa ugana mahadcelinaynaa RW Maxamed Xuseen Rooble tilaabada uu ka qaaday Ciidamadii Asluubta ee joogay wada hormarta Kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda ee maalin dhawayd xabadeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri.

“Waxaa naga go’an in aan si buuxda ula shaqayno RW Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay.”

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa soo dhoweeyey tallaabaday uu qaaday Rooble. “Cagaarkii waxaa bedelay kaaki, xabaddiina Faataxo ayaa bedeshay!.! Waa ku mahadsan yahay Raysul wasaare Rooble abuuridda xasilooni siyaasadeed iyo kala danbayn.”

Hadalka Mahad Salaad ayaa imanaya saacado un kadib markii maanta Ciidamada booliska la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta.

Ciidamada Asluubta ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin muran badan dhaliyay, kuwaasi oo lagula kacay mas’uuliyiin uu ugu dambeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay rasaas ku fureen xili uu marayay aaga maxkamadda gobolka Benaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More