#Morocco:Saxafiyad loo xiray ‘in ay si sharci darro ah ilmo isaga soo ridey’

36,612

RABAT, Morocco – Mas’uuliyiinta Morocco ayaa xabsi u taxaabey gabar wariye ah oo la shaqeysa wargeys kamid ah kuwa ugu afka dheer ee kasoo baxa dalkaas.

Hajar Raissouni oo kamid ahayd wardoonka joornaalka Akhbar al-Yaoum ayaa waxaa la xiray 31-ka bishii August ee sanadkan.

Dacwad oogeyaasha ayaa ku eedeeyay Raissouni “in ay si sharci darro ah ilmo isaga soo riday markii ay sameysay gogol dhaaf”.

Xarigeeda oo carro xoogan ka dhex-abuuray wadankaasi ayaa waxaa cambaareeyay qaar kamid ah ururada saxaafada wadankaas.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay HRW oo talaabadan ku tilmaamtay “mid xadgudub ah” ayaa codsatay xorriyadeeda loo celiyo.

Amnesty International ayaa sidoo kale qabashada gabadhan ay ku sifeysay “cadaalo darro ah” iyo “duulaan ka dhan ah shaqsiyadeeda”.

Ilmo iska xaaqitanka ayaa waxay mamnuuc ka tahay gudaha dalka Morocco, hadii aysan hooyaddu soo food-saarin xaalado khatar ah.

Sikastaba ha ahataee, Marka la joogo dalka ciqaab ahaan shaqsiyaadka lagu helo dambiyo la xiriira arrintan ayaa waxa uu ku muteysan karaan laba sano oo xabsi ah.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More