#Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida Minneapolis

8

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan.

Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo.

Waxa uu sheegay inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay “Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeyga”.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.

Qoralka uu Bartisa facebooga uu soo dhigay ee aan ka soo xigaanay waa kan

Tonight I had my first Iftar dinner with a group of Somali refugees in Minneapolis.As a refugee, you often don't get…

Publicerat av Mark Zuckerberg Torsdag 22 juni 2017

Axadle Times
Axadle International Monitoring – Africa
info@axadletimes.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More