#Midowga Afrika oo Kenya ku taageeray xubinimada Golaha Ammaanka QM

11,462

Ururka Midowga Afrika ayaa dowladda Kenya u doortay in ay Waddamada Bariga Afrika ku matasho Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Kursigan oo ka mid ah 10ka kursi ee kor joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ku loollamayay dowladaha Kenya iyo Jabuuti.

Midowga Afrika ayaa maanta cod u qaaday waxaana ay u codeeyeen in dowladda Kenya ku fariisato kursigaas.

Wakiillada Guddiga joogtada ah ee Midowga Afrika ayaa u qaaday cod qarsoodi ah,waxaana ay ku dhawaaqeen in Kursigaas ay ku guuleysatay Dowladda Kenya iyaga oo aan shaacin natiijada.

5tii Bishan codeyn ay qaadeen Midowga Afrika ayey Kenya ku fashilantay in ay gaarto saddex meelood labo meel oo laga doonayay,waxaana ay heshay 33 cod oo kali ah.

Warbaahinta Kenya ayaa aad u buun buuninaya kursigan iyaga oo sheegaya in Kenya danaheeda Afrika ay hadda meel wanaagsan u fadhiisatay.

Kenya waxaa ay dagaal kula jirtaa Soomaaliya, waxaana ay xoog iyo xeeladba ku dooneysaa biyaha Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa 9ka ilaa 13ka Bisha September dhegeysan doonta kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya,waxaana loo badinayaa in Soomaaliya loo xukumi doono biyaha iyada oo Maxkamadda go’aankeedu yahay kama dambeys waan waxba laga beddeli karin.

Kenya ayaa kursigaas fariisan doonta Bisha June 2020,waxaana ay ku dhiyi doontaa muddo sanad ah, Maxkamadda ICJ ayaase la filayaa in ka hor 2020 ay shaaciso natiijada kama dambeysta ah ee Muranka Badda kaas oo aan waxba ka beddeli doonin damaca Kenya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More