#Mid kamida Kolanyada hogaamiye ku xigeenka Kenya oo dishay wiil 7-jir ahaa

23,685

Mid kamida kolanyadda madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa Sabtidi degaanka Budalangi ee is-maamul goboleedka Busia ku dishay wiil 7-sano jir ahaa.

Cunugan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Sidney Mambala Felix kaasoo oo geeridiisa ay si weyn uga naxeen qoyskiisa, sidda ay warineyso warbaahinta maxaliga ah.

Kadib markii ay soo if-baxday sheekadani, Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu ugu diry reerka iyo asxaabta marxuumka.

“Aad ayaan uga murugooday markan shilkan maqlay. Qaraabadiisa oo aan la hadlay waxaan u xaqiijiyey in aan garab-taagan nahay, ALLE ha u naxariisto,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in shilkan uu dhacay afartii subax-nimo daqiiqo kadib markii uu Ruto kasoo baxay Dugsiga Hoose ee uu dhigan tahay Marxuumka.

Rosemary Adema, aabaha dhalay cunuga dhigtay, ayaa u sheegay saxaafadda in dhimashada wiilkiisa ay u ahayd “mid wadnihiisa si weyn u taabatay”.

Gaariga shilka ku lug-yeeshay ayaa la sheegay in ay la socdeen kooxda warbaahinta u qaabilsan Ruto, inkasta oo aaney kala caddeyn hadii darawalkii xabsi la dhigay uuna caddaalada wajahayo.

Axadle Media Group

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More