#Mid ka mid Wasiiradii uu magacaabay Madaxweynaha Koonfur galbeed oo ka hadalay sababta uu isku casilay

0

- Advertisement -

Ayadoo shalay Madaxweynaha Koonfur galbeed uu magacaabay Wasiiradii ka dhimanaa Maamulkiisa ayaa waxa durba iska casilay mid ka mid Wasiiradii uu shalay magacaabay

- Advertisement -

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow oo oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaarada gaadiidka circa iyo dhulka ayaa ka horyimid Xilka uu shalay u magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gaeen.

Waxaa uu sheegay Cabdi Salaan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee muqdisho in uusan u qalmay xilka  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka , islamarkaana taasi ay keentay inuu is casilo.

Wasiir kuxigeenkii Gaadiidka dhulka iyo Cirka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed  ayaa sheegay in sababta uu is ku casilay ay tahay in xilkaasi uu ku qanciwaayay,isla markaana beeshiisa  aysan u qalmin xilkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in balan ay wada galeen asaga iyo Madaxweynaha Onnfru galbeed C/casiis laftagareen looga oo aheyd in beeshiisa Catoosh Wasiir buuxa lasiiyo looga baxay, asagoo ku andacooday in laftagereen uusan waxba dhaamin shariif xasan.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More