#Mid ka mid ah Dowladaha Awooda ku leh QM oo kasoo horjeestay go’aanki DF ku ceyrisay Nicholas Haysom

2

- Advertisement -

Ayadoo Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay uu aqbalay go’aankii Dowlada Soomaaliya ay ku ceyrisay Wakiilkoodii Nicholas Haysom ayaa waxaa markii ugu horeysay go’aankaas kasoo horjeestay mid ka mid Dowladaha quwada ku leh Golaha Amaannka ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Dowlada Faransiiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ka ah Golaha amaanka lehna codka qeyxan ayaa sicad uga soo horjeesatay go’aankii Dowlada Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sifeeyey Go’aankii DFS ku cayrisay Nicholas Haysom inuu ahaa go’aan hal-dhinac oo keliya gaaray, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Fraansiiska taageero buuxda u hayaan Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom, isla markaana uu yahay Mas’uul xushmad loo hayo, kuna guuleystay dadaalkiisa ku aadan Nabadda, xilka uu ka hayo QM iyo tan dalka uu ka soo jeedoa ee South Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska waxay kaloo qoraalkooda ku xaqiijiyeen inay taageero buuxda u hayaan Hay’addaha QM iyo kuwa ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo  kaalin  muuqata ka qaata sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Faransiiska oo xubin ka ah 5-ta waddan ee joogtada ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa u muuqata inay si cad uga hor yimaadeen Go’aankii DFS, inkastoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inay aqbaleen go’aankii DFS ku soo cayriyeen Ergayga Gaarka ee QM u joogay Somalia, Nicholas Haysom, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More