#Messi ayaa wajihi doona Athletic Bilbao hadii uu diyaar u yahay Sida Uu Yiri Valverde

4

- Advertisement -

Lionel Messi ayaa wajihi doona Athletic Bilbao Axada haddii uu dareemayo inuu taam u yahay, sida laga soo xigtay macalinka Barcelona Ernesto Valverde.

- Advertisement -

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa maanta farxad iyo soo dhawayn wayn kala kulmay ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona oo qaab maad ah ugula qaybsaday sanad guurada dhalashadiisa waxayna u galeen saf iyaga oo dhirbaaxo maad ah dhabarka kala dhacay si ay ugu muujiyaan dareen farxadeed ka hor kulanka uu dib ugu laabanayo garoonkii kooxdiisii hore ee San Manes ee Athletic Bilbao.

Valverde ayaa kadib tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa waxa uu helay warkii uu doonayay isla markaana ay jamaahiirta kooxdiisa Barcelona ka rajaynayeen kadib markii uu liiska kooxdiisa ku soo daray Lionel Messi iyo Ousmane Dembele oo shaki la galinayay taam ahaanshahooda kulankan.

Ousmane Dembele ayaan Barcelona u ciyaarin tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii Leganes wuxuuna helay cadaynta buuxda ee dhakhaatiirta kooxdiisa oo siiyay ogolaansho buuxa oo uu ku ciyaari karo kulanka Athletic Bilbao waxayna Valverde siinaysaa kalsooni wayn xili uu Arthur Melo muddo 3-4 todobaad ah uu garoomada ka maqnaanayo.

Lionel Messi oo kaydka ku jiray kulankii Copa Del Rey ee lugtii hore ee Real Madrid ayaa tababarkii jimcihii ee kooxdiisa seegay laakiin maanta ayuu si buuxda uga soo muuqday xarunta tababarka kooxdiisa wuxuuna tababarka qaatay dhibaato la’aan isaga oo diyaar u ah kulanka Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa kulanka Bilbao ganaax hal kulan ah kaga maqnaan doona Jordi Alba kaas oo qaatay kaadhkiisii shanaad ee digniinta ahaa laakiin waxaa Barca u soo laabtay Sergio Busquets oo isna ganaax hal kulan ah ku seegay kulankii Valencia.

Valverde ayay qasab ku noqon doontaa in uu xal u raadiyo booska difaaca bidix kaas oo uu Jordi Alba ganaax kaga maqan yahay waxaana suurtogal ah in kulankii labaad oo xidhiidh ah uu shaxdiisa difaaca bidix ku soo bilaabo Sergi Roberto.

Malcom oo kulankii Real Madrid bandhig cajiib ah sameeyay ayaa rajaynaya in uu Valverde daqiiqdo dheeraad ah kaga helo kulanka Bilbao halka Coutinho uu waaji karo booskii uu soo haystay kulamadii ugu danbeeyay.

Samuel Umtiti oo si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Barcelona ayaan wali helin cadaynta buuxda ee uu ku ciyaari karo wuxuuna markale seegay kulanka Bilbao isaga oo hadda haysta fursad uu kulamada Madrid iskugu diyaarin karo.

Barcelona ayaa maanka ku haysa in ay shan dhibcood oo kaliya ka sarayso Real Madrid kadib guushii ay Atletico Madrid ka gaadhay laakiin haddii ay kooxda Valverde awoodo in ay saddexda dhibcood ka hesho Bilbao heli kartaa fursad ay hogaanka La Liga kaga dhigan karto 8 dhibcood oo saafi ah.

Liiska Ciyaartoyda Barcelona ee Kulanka Athletic Bilbao

Barcelona: Ter Stegen, Nelson Semedo, Gerard Pique, Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Philippe Coutinho, Luis Suarez, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Malcom, Clement Lenglet, Murillo, Prince-Kevin Boateng, Sergio Roberto, Carles Alena, Arturo Vidal, Thomas Vermaelen, Miranda, Inaki Pena.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More