#Maxkamada Ciidamada oo Saaka toogatay labo nin oo Muqdisho ku dilay Nabadoon Hilowle

2

- Advertisement -

Waxaa saaka Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda xukun dil ah ay ku fulisay labo shaqsi oo ka tirsanaa Shabaab,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dileen mid ka mid ah Nabadoonada Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Ragaan ayaa sida Maxkamada ay sheegtay waxa ay nabadoonka ku dileen Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow oo horay u dilay AUN Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen ayaa saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya ayaa labada ruux ee la toogtay waxa ay ku sheegtay in la hayo caddeymo muujinaaya inay dilka nabadoon hilowle xeefow xuseen loo geystay ay ka dambeeyeen kuwaa oo markii dambe ay qirteen eedeemahii loo jeediyay sida la sheegay.

Intaaa kaddib ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowaldda soomaaliya  ay ka xakuntay dilka toogashada ah muddo kaddibna saakay ayaa la toogtay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay de dejisay dil toogaho ah in lagu fuliyo rag horay ay ku riday dil toogasho ah.

Maxkamada Ciidamada ayaa laba jibaartay dilalka toogashada kagadaal markii siyaasiyiin iyo xildhibaanno katirsan baarlamaanka soomaaliya ay ku eedeeyeen dowladda soomaaliya inaysan de dejin ragga lagu xakumay dilka toogashada ah oo in muddo iskaga jira xabsiyada dalka.

Maxkamada Ciidamada ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay toogashadda shaqsiyaad ka tirsan Shabaab,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dileen waxgarad iyo dad u shaqeya dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More