#Maxay yihiin 10-ka Su’aal ee Prof. Yaxye Caamir ka keenay Guddigii uu magacaabay R/wasaare Khayre?

1

Yaxye Caamir oo ka mid ah Aqoonyahanada sida weyn uga hadla Siyaasada balse ku taqasuusay dhaqaalaha ayaa su’aalo ka keenay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka.

Guddigan oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa, waxaana ka mid ah shaqooyinka ay qaban donaan, soo tiro koobidda hantida wasaaradaha ,Hay’adaha hoosyimaada iyo xafiisyada madaxa banaan, soo gudbinta xogta iyo soo celinta dhulalka iyo gaadiidka dowlada ee la haysto.

Waxaa kaloo shaqooyinka ay qaban doonaan gudigan kamid ah in ay sida ugu dhakhsiyaha badan Ra’iisul wasaraha ugu soo gudbiyaan warbixin tifaftiran oo la xiriirta soo tira koobidda iyo soo celinta hantida dowladda,

Qoraalka Yaxye Caamir uusoo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qoranaa:-

Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada.

1-Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan?

2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab?

3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah?

4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay?

5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo?

6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen?

7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa?

8- suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado?

10- ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan?

Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada

Qore: Yahya Amir

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More