Maxay tahay xiisadda kursiga xildhibaan ee ay Xasan iyo Shar…

Cadale (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta iyo Bulshada degmada.

Sida aan xogta ku helnay, safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ee degmada Cadale ayaa hordhac u ah safar ay maanta halkaas ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. 

Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan kursi xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kaasi oo ka mid ah kuraasta beesha Harti-Abgaal.

Kursiga muranka ka taagan yahay ayaa ah midka HOP141, waxaana hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal.

Si kastaba, kursigan ayaa waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inay doonayaan in arrintan xal laga gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More