Maxay kawada hadleen Shariif Sheekh Axmed & Cali Guudlaawe? –

Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement 1 -

Cali Guudlaawe ayaa ilo ku dhaw waxa ay sheegeen in Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta in uu kala hadlay Xaaladda Siyaasadeed & tan Doorasho ee Dalka sida hadalka loo dhigay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in lagu ballamay kulan kale oo dhexmaraya Midowga Musharixiinta, Madax Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug si ay uga xaajoodan arrimaha Doorashooyinka dib u dhaca ku yimid iyo dhacdooyinka soo kordhay.

Waa mas’uulkii labaad ee heer Dowlad Goboleed ah oo la kulmay hoggaanka Midowga Musharixiinta tan iyo markii dibadbaxyada ay ka qorsheeyeen Muqdisho, isla markaana ay hor istaagtay Dowladda Federaalka.

Habeen kahor Muqdisho waxaa kulan xog warreysi ah ku yeeshay Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed & Raysul Wasaarihii hore ee Dalka Xasan Cali Khayre oo dhammaan musharixiin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More