Maxay kala yihiin 8-da Shuruur ee DG Puntland hordhigtay Beesha

DG Puntland ayaa Wakiilada Beesha Caalamka hordhigtay 8-Shuruud oo intooda badan aad u adag fulintooda, waxa ay ku xirtay haddii la dhaqangeliyo ay ka qaybgeli karto Shirka looga hadlayo sidii loo muddeyn lahaa Doorashooyinka Dalka.

- Advertisement 1 -

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Cadaadis saaraya Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka ee waqti xileedkoodu dhammaaday, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir si ay u saxiixaan heshiiska ay gaareen Guddiga Farsamo ee wakiilada ka ahaa 15-ka & 16-ka Febaraayo 2021.

 

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalbaday in meel ammaan ah lagu qabto shirka gaar ahaan waxa uu tilmaamay in ay goobjoog ka noqoto Beesha Caalamka waa haddii laga heshiiyo shuruudaha uu soo bandhigay.

Deni ayaa habeenkii Isniinta 22-ka Febaraayo 2021 Khudbad uu Garoowe ka jeediyay waxa uu soo bandhigay macluumaad uu sheegay in si sir ah uu ugu sheegay Hogaamiyaha Muddo xileedkiisa dhammaaday 8-dii Febaraayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More