Maxamed Cabdirisaaq: “DFS waxaa laga gudbiyay in aysan rabin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo faah-faahiyay kulanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si gaar ah looga hadlay Xaaladda Soomaaliya sida Doorashooyinka, Amniga, Siyaasadda & kuwo kale.

- Advertisement 1 -

Waxa uu madasha geeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in Dowladda Federaalka ay sameysay tanaasul badan, isla markaana dedaal xooggan ay gelisay sidii loo heshiis looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qiray in fariin aan u wanaagsaneen Dowladda Federaalka loo gudbiyay Beesha Caalamka balse uu ka qanciyay sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

“Waxa aan ka hadlay howsha socota ee geedi socodka, waxaana socotay waxyaabo badan oo Warbaahinta Gudaha & Dibadda oo qalalaad ah oo ay ka gudbisay Dowladda Soomaaliya, waxaana ay mugdi geliyeen in rabitaanka Xukuumadda, keliya heshiiska 17-kii September 2020 waxa uu sugayaa in la saxiixo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dibadbaxa markale uu ku baaqay Golaha Midowga Musharixiinta ee dhacaya 26-ka Febaraayo 2021 oo ku beegan maalinta Jimcaha saddex cishe kadib.

Waxa uu sheegay in muddo 8-cishe ah uu karaankiil ku yahay Dalka Burundi kadib markii xannuunka Covid-19 jirkiisa laga helay, maadaama dalkaas uu u tagay ka qaybgalka shir uusan sheegin waxa looga hadlay sidaas lagu xareeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si dadban u sheegay in xaaladaha loo joojiyay dibadbaxyada Musharixiinta ay weli taagan yihiin, isaga oo dibabaxii 19-kii Febaraayo 2021 ku tilmaamay in uusan ahayn mid nabadeed sida uu hadalka u dhigay.

Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa Soomaaliya lagu canaantay, waxaana lagu dhaliilay in ay ka gaabisay arrimaha Doorashooyinka, isla markaana ay ku xad gudubtay dibadbaxyada Musharixiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More