Maxaa shuruud ah oo laga doonayaa Ergada, Musharaxa

Sida ku cad qodobka 14-aad ee heshiiska Madaxdweyne Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada hoostaga DFS, waxaa shuruudo la hordhigay Musharaxa Xildhibaanka Aqalka Shacabka & Senatarka Aqalka Sare BFS.

Hogaamiyayaasha heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa ku heshiiyay qodobo waqti dheer ay dood ka yeesheen, isla markaana inta shirka uu socday mas’uulba mar uu laga diiwaangeliyay aragtidiisa oo ugu dambeyn laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen.

Shuruudaha Kamid noqoshada Ergada Doorashada Xildhibaanka Golaha Shacabka:

In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5-ta.
In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano.
In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo.
In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada.
In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna.
In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.
In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada.
In uusan xiriir la lahayn kooxaha Argagixisada.

Maxaa laga doonayaa Musharaxa Xildhibaanka Golaha Shacabka & Senatarka Aqalka sare?

In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.
Dhimirkiisu u dhan yahay.
Da’diisu ka yarayn 25 sano.
Aan xuquuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah.
In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka ama Aqalka Sare ee BFS waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxa ay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000 (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Waa shuruudaha laga doonayo Ergada Beelaha ee dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka, musharixiinta labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya 2020/24-ka, sida ku cad heshiiska la gaaray.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More