Maxaa loo kala diray Rugta Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, isagoo magacaabay Rug Ganacsi oo KMG ah.

Gudiga la magacaabay waxaa ka mid ah gudoomiye, laba ku xigeen iyo 30 xubnood oo ka socda ganacsatada dalka.

Sababaha loo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeynta rugta iyo arimo kale.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Ku Meel Gaarka ah waxay sii wadi doontaa shaqadeeda waxayna isu diyaarineysaa doorashada Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed muddo 60 maalmood ah

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Wasaaradaha Ganacsiga ee dowlad goboleedyada, dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed, Hanti dhowrka guud ee Qaranka, dhammaan Rugaha Ganacsiga Soomaaliyeed, hey’adaha amniga dowladda, Raysul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha ayaa loo diray rugta Soomaaliyeed. Ganacsiga & Warshadaha. .

Horay ayaa Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu u kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, sababo ku aadan amniga iyo isku biirista mintidiinta Al Shabaab.

Hoos ka aqriso

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More