Maxaa ku dhacay Dhex dhexaadintii Bulshada Rayidka?

Guddi ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ayaa weji gabax kala kulmay xafiiska madaxweyne Maxamed C / llahi Farmaajo kadib markii ay u suurta gali weyday in ay la kulmaan madaxweynaha, iyadoo balan qaadyo dhowr ah oo loo sameeyay gudiga sidoo kale ayaan dhaqan galiin.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa Axadle u sheegay in madaxweynaha ay ku adkaatay inuu la kulmo si ay talooyin ugu gudbiyaan bulshada rayidka ah sida ugu wanaagsan ee loo soo afjari karo khilaafka muddada dheer soo jiitamayay, laakiin waxay sheegeen inay la kulmeen dhinacyada kale duwaan ee ay arrintan quseyso. ayna ku dadaali doonaan la kulanka Hogaamiyaha, iyadoo dhanka kale rajo wanaagsan laga muujinayo in xal Soomaaliyeed la helo iyada oo aan faragelin dibadeed lagu sameyn.

Guddigan oo ka kooban xubno caan ka ah bulshada, culumaa’udiinka iyo ganacsatada ayaa loo xilsaaray xal u helida ismariwaaga siyaasadeed ee dalka ka jira, waxayna horey ula kulmeen Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha oo ay isku afgarteen dhexdhexaadinta. si loo xaliyo khilaafka hada ka taagan hirgelinta doorashooyinka la isku raacsan yahay.

Xubnaha guddiga dhexdhexaadinta ayaa sidoo kale la kulmay ra’iisul wasaaraha, mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxayna soo dhoweeyeen dhexdhexaadintooda, iyagoo ku booriyay inay sii wadaan kulamadooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More