Maxaa ka soo kordhay qaraxii maanta ka dhacay degmada Xamar-weyne

Ciidamada Amniga ayaa maanta gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku xiray maqaayad ku taala Mogadishu Mall ee degmada Xamar weyne.

- Advertisement 1 -

Ninkan ayaa iska tuuray waxyaabaha qarxa, kaddib markii ay ka shakiyeen ilaalada maqaayada, isagoo doonayay inuu gudaha u galo, balse dhagartiisa lagu fahmay.

Ciidamada Amniga oo ninkan ceyrsanayay ayaa markii dambe waxyaabihii qarxa iska tuuray, isagoo ku tuuray dhanka Saldhigga Xamar weyne oo ay markii dambe ku qaraxday.

Sarkaal ka tirsan Sadhigga Xamar weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo ninkii doonayay inuu is qarxiyo la qabtay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saddiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ka hortageen Nin isku soo xiray jaakad qarax oo doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee Ciidamada amniga ay eryadeen, taas oo keentay in Jaakada qaraxa uu iska tuuro ayna qaraxdo, qaraxaasna uusan geysan wax khasaaro ah.

“ Abaarihii 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta  qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin ayuu yiri” Afhayeenka booliska Soomaaliya.

Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu nabdoon magaaladda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More