Maxaa ka socda magaaladda Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle?

Sawirka Baraha Bulshada

Magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka socda diyaar garowga doorashada xildhibaanada 2 aad ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyada oo ay halkaasi gaareen wufuud kale duwan oo ka soo baxay magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka.

Gudoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gaaray magaaladda Jowhar waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Mayre Makaraan, Wasiiro iyo  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo mudo xileedkoodu dhamaaday.

Durba waxa ay magaaladda ka bilaabeen kulamo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka Shirshebeelle, waxaana halkaasi ku sugan guddiga soo xulista baarlamaanka 2 aad ee Hirshabeelle oo dhawaan shaaciyay jadwalka codaynta golaha wakiiladda maamulkaasi.

Ilo xog-kas ah ayaan ka soo xiganay in maalmaha soo socda ay Jowhar gaarayaan wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo raadinaya madaxweynaha maamulkaasi ee afarta sano ee soo socota.

Dhanka Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka federalka iyo Senatarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ugaga hadleen xaalada guud ee dhinaca siyaasada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Bayaan ay soo saareen xildhibaanadan labada gole ka tirsan ayay ku sheegeen in la raaco dastuurka Hirshabelle lana qabto doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Xidhibaanadan ayaa xusay in muwaadin walba oo ka soo jeeda Hirshabelle uu u tartami karo xilka Hogaamiyaha iyo Madaxweyne ku xigeenka sida uu qabo dastuurka Hirshabelle.

Sidoo kale xildhibaanadan ayaa taageerey qorshaha guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyagoo ugu baaqay dowlada federalka in ay ka qeybqaadato doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamul Goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo xusay in ay tahay in dhammaan beelaha dega Hirshabelle ay u wada tartamaan shanta kursi ee ugu sareysa Hirshabelle.

Shir jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn in hal beel ay sheegato inay xaq u leedahay xilka ugu sareeya dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxaa wax lala yaabo ah beelaha degana ceeb ku ah in hal beel sheegato in ay leedahay kursiga ugu sareeya Hirshabelle ayna aaminsan tahay in loogaga bedeshay magaalo hogaamiyayaasha.”

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa isu diyaarineysa dhismaha hay’adaheeda dowlad-goboleedka markii labaad hayeeshee waxa ay wajaheysaa caqabado u baahan xal u helid! kuwaas oo Ammaanku kamid yahay.

Hirshabeelle ayaa la aasaasay October 9, 2016, waxaana madaxweynihii koowaad ee DG loo doortay Cali Cabdullaahi Cosoble October 17, 2016, hayeeshee xubno kamid ah Baarlamaan-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Cosobla e August 14, 2017 sidaas awgeed muran dheer kaddib Baarlamaanka ayaa Maxamed Cabid Waare waxa uu u doortay in uu noqdo madaxweynaha beddelaya Cosobole September 16, 2017.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More