#Maxaa ka jira In Hogaamiyaha Dalka Jabuuti Geelle uu kusoo wajahan Yahay Xamar

6

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho sida ay Caasimada Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xog aynu helayno ayaa tibaaxeyso in Sabtida la filayo in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdisho laba sano kadib.

Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo sheegayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa.

Madaxweyne Geelle, Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar sheegaya in mugdi soo kala dhax-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More