Mareykanka oo sheegay in xubno ka tirsan al-Shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Baay ee koonfur galbeed Soomaaliya lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in xubnaha qaar ay qaabilsanaayeen dhaqaalaha, hubka, waxyaabaha qarxa iyo goobo kale kadib markii ay heleen xog ku saabsan halka ay ku dambeeyeen howlgalka qorsheysan.

AFRICOM waxay sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada ay ka wado Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la xaqiijiyay qasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ee ka ag dhawaa goobta uu weerarka ka dhacay.

Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in xitaa hadii ay ciidamadiisa kala baxaan Soomaaliya uusan joojin doonin weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyaan koonfurta, bartamaha iyo bartamaha Puntland oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa kordhay weerarada Mareykanka ee Koonfur Galbeed, ka dib duqeymo is xig xigay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, oo lagu bartilmaameedsaday xarun warbaahineed oo Shabaabka ay leeyihiin, sida ay sheegeen Saraakiisha Maamulka Shabellaha Hoose.

Dhowr maalmood ka dib wareejinta xukunka, Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in lix maalmood ka hor wareejinta xukunka Janaayo 20, 2021, uu aakhirka ciidamada Mareykanka kala bixi doono Soomaaliya, ku dhowaad 1000, sida Mareykanku sheegay. .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More