#Mareykanka oo ku dhawaaqay in uu kordhinayo weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab

78,571

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Saraakiil sare sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka ee ah Soomaaliya.

Danjuraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa sheegay in howlgalladiisa ka dhanka ah AL-shabaab la kordhinayo si xasilloonida loogu soo celiyo Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay garab istaageyso dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo saaxiibada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Dhaq dhaqaaq Al-shabaab ayuu ku sifeeyay qatar ku wajahan Gobolka Geeska Afrika isaga oo sheegay in dowladda Mareykanka ay tallaabo dheeraad ah ka qaadeyso AL-shabaab.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More