Mareykanka oo ku baaqay in wada-xaajood siyaasadeed laga

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha.

Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada.

Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo wanaagsan gelisay marka ay wada hadlaan Dowladda Federaalka, Maamulada & dhinacyada ku lugta leh Siyaasadda oo fure u ah gelista Doorasho lagu qanacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

“Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Gobaladda Waqooyi ee baarlamaanka” Sidaasi waxaa tiri Ergayga Washington ee QM.

Fadhiga gaarka ah ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya waxa uu ku qabsoomay qaab fogaan arag ah, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo lagu martigeliyay si ay usoo bandhigaan caqabadaha muuqda & qaabka loo xalin karo.

Musharixiin u badan xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay 10-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa cabasho ka keenay guddiga doorashada 20/21 oo ay ku sheegeen in lagu daray shaqsiyaad katirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, Madaxtooyada & shaqaalaha rayidka ah.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More