#Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu la eegtay Al-Shabaab

94,124

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo uu Al-Shabaab kula beegaday nawaaxiga Kuunya Barrow, gobolka Jubadda Hoose, uu ku dilay hal dagaalame.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa war-saxaafadeed wuxuu ku shaaciyey in duqeynta ay qaadeen Talaadadii, iyaga oo la kaashanaya xoogaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Iyadda oo mararka qaar ay rayid wax ku noqdaan, AFRICOM ayaa waxay ku adkeysatay in ay muuqato aysan shacab waxyeelo kasoo gaarin weerarkan dhanka hawadda ah.

Gaashaanle Sarre, William Gayler, Agaasimaha Howlgaladda AFRICOM ayaa xusay in gulufkan uu tusaale u yahay cadaadiska Mareykanka uu ku hayo shabakadaha hubeysan sida xulafada Al-Qaacida.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashada xukuumadda Washington oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab.

“Ciidamadeena waa ay sii wadi doonan cadaadiska kooxaha hubeysan si aysan xorriyad ugu helin in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Gayler, sida ku cad qoraalka.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii milatariga Soomaaliya uu baahiyey in 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraa ajaaniib lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More