Mareykanka oo dal ku galka ku adkeynaya Arday Soomaali ku

Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ee loosoo gaabiyo (DHS) ayaa soo jeedisay tilmaamo cusub oo xaddidaya ardayda caalamiga ah ee wax ku barata goobaha waxbarasho ee dalkaas ku yaalla.

Muddo labo sano ah ayaa lagu soo koobayaa dal ku galka Mareykanka ama ogolaanshiyaha joogitaanka, waxaana laga magac dhex xusay Ardayda Nigeria oo aan horay usoo geli jirin xadidaada. Ujeedka qorshahaan waa siyaasadda Caalamiga ah ee cusub waa in Ardayda wax ka barta Mareykanka ee Ajaanibta ah la xadido.

Si gaar ah Ardayda kasoo jeeda Nigeria iyo Kenya ujeedka xayiraadda loogu daray in lasoo kobo xadka ama muddada Mareykanka ay joogi karaan inta ay ku howlan yihiin Waxbarashada, Inkasta oo aan caddeyn soo jeedintaan xiliga ay dhaqangalayso.

Sida ay diiwaangelisay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, sababta labada sano loogu xadidayo waa arrimo la xiriira Amniga Qaranka, badbaadinta iyo wax ka qabashada walaaca Bulshada.

DHS ayaa sheegtay in howshaan ay ka qaybgaleyso waaxda Mareykanka u qaabilsan wax ka qabashada soo galootiga iyo dabagalka dadka ajaanibta ah ee heysta ogolaanshiyaha kooban sida Ardayda oo kale.

“Shisheeyaha ka socda waddamada la xiriira dal ku galka dheeraadka ah ee sicirka, qiimayaasha ka badan 10% ee ardayda iyo isweydaarsiga booqdayaasha ayaa lagu xadidi doonaa labo sano oo go’an oo joogitaan ah si loo kordhiyo kormeerka, looga hortagayo xadgudubyada socdaalka iyo dhiirrigelinta bixinta waqtiga ku habboon” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka.

Soo jeedinta cusub ee Waaxda DHS waxaa kusoo baxay magacyada dalalka kala ah: Afghanistan, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Chad, Jamhuuriyadda Koongada dimuqraadiga (DRC), Congo, Côte d’Ivoire (Ivery Coast), Jabuuti, Equatorial Guinea, Ereteriya, Itoobiya, Gabon, Gambiya, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Guyana, Haiti, Iiraan, Ciraaq, Kenya iyo Kosovo.

Muddo labo sano kadib waa marka uu dhacayo dal ku galka, waxa ay Ardayda fursad u helayaan in ay dib u dalbadaan markale si ay u helaan muddo kordhin kale oo labo sano ah, qofkii aan dalban waxaa ku adkaan doona helista shahaadada.

Waxaa sidoo kale liiska dalalkaan lagu daray wadamada kala ah: Kyrgyzstan, Libya, Liberia, Malawi, Mali, Mauritania, Moldova, Mongolia, Nepal, Niger, Nigeria, North Korea, Papua New Guinea, Philippines, Rwanda , Samoa, Senegal, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Syria, Sudan, Tajikistan, Tanzania, Togo, Tonga, Turkmenistan, Tuvalu Uganda, Uzbekistan, Vietnam, Yemen iyo Zambia.

Bishii Luulyo, iyada oo lagu guda jiro Cudurka faafa ee COVID-19, maamulka Trump wuxuu ku Qasbanaaday in uu dib u dhigo bixinta dal ku galka qaar ka mid ah Ardayda caalamiga ah, Dalalkooda ayay dib ugu laabteen waxaana ku adkaatay in ay dib ugu laabtaan Waxbarashadooda, maadaama loo fasaxay cudurka Coronavirus.

Isha: College news  /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More