Maraykanka oo ka tacsiyeeyay weerarkii 14 Octaber ayaa

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii Oktoobar 2017 oo ah maalin uu Muqdisho ka dhacay qarax dhaliyay dhimashada boqolaal shacab ah, Dhawaaca boqolaal iyo bur-bur hantiyadeed.

Safaaradu waxay sheegtay in dowaladda Mareykanka la xanuunsaneyso qoysaska dadkii ku dhintay isla markaana ay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maanta, waxaan xusuusan nahay dhibanayaashii weerarkii argagaxa lahaa ee 14-kii Oktoobar, 2017, ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen 587 muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan & boqolaal kale ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Safaaradda.

“Waxaan la murugoonaynaa qoysaska dhibanayaasha waxaanan garab istaageynaa shacabka & dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaramada Midoobay ayaa dhankooda ka hadlay weerarkaas khasaaraha badnaa iyaga oo carrabka ku adkeysay sida ay u garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxuushnimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qarixii Soobe ee 14-kii Oktoobar ayaa  waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Boqolaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.