Maraykanka oo badalay nuuca gantaaladii uu ku fulijiray

Milatariga Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay badaleen gantaaladda ay u adeegsan jireen duqaymaha ay ka wadaan wadamada Soomaaliya Afghanistan, Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen si loo yareeyo dhibaatada soo gaaraysa dadka Shacabka ah.

Waqooyiga galbeed Suuriya labo weerar oo ka dhacay waxaa loo adeegsaday gantaal aad u xoogan sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka.

Howlgalkaas, ciidamada Mareykanka waxa ay isticmaaleen gantaal “Ninja Hellfire”, kaas oo lagu beddelay madaxa qarxa oo lagu rakibay aalado dhaadheer si loo burburiyo ama loo jarjaro dhibbanaha, iyadoo la yareynayo qatarta qof kasta oo rayid ah oo ka agdhow, sida ay warisay New York Times

Tani waa markii labaad muddo saddex bilood gudahood ah oo ciidamada Mareykanka ay dilaan hoggaamiye caan ah oo ka tirsan al-Qaacida waqooyi-galbeed Suuriya iyagoo adeegsanaya gantaaladan sida gaarka ah loo qorsheeyay.

Markii hore, militariga Mareykanka iyo saraakiisha la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada waxa ay sheegeen in gantaalka lagu dilay Sayyaf al-Tunisi, oo ahaa hoggaamiye ka tirsan urur Hurras Al-Deen ee Gobolka Idlib.

Wuxuu ahaa muwaadin u dhashay dalka Tuuniisiya oo caan ka ahaa abaabulka weerarada Al-Qaacida, isagoo carabka ku adkeeyay in dilkiisa uu carqaladeyn doono howlaha ururka argagixisada.

CIA-da ayaa soo saartay gantaalkan, oo loo yaqaan R9X, ku dhowaad toban sano ka hor cadaadis ka yimid Madaxweyne Barack Obama si loo yareeyo qasaaraha dadka rayidka ah iyo burburka hantiyeed ee dagaallada muddada dheer Mareykanku ka waday wadamada Afghanistan, Pakistan, Iraq, Syria, Somalia, iyo Yemen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More