Man United Ayaa Lacag Badan Soo hoysay inkasto Cristiano Ronaldo uu san la joogin kooxda

14

- Advertisement -

Madaxa fulinta kooxda Manchester United Ed Woodward ayaa wuxuu qiray in ka tagistii uu Cristiano Ronaldo uu ka tagay garoonka Old Trafford sanadii 2009 aysan wax saameyn ah ku yeelan awooda maaliyadeed ee kooxda Red Devils, gaar ahaa iibsashada maaliyadaha kooxda Manchester United.

- Advertisement -

Ed Woodward ayaa wuxuu sidoo kale ku dooday kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo ay kooxda Manchester United ku sugan yihiin xidigo sare u sii qaaday in si wanaagsan loo iibsado maaliyadaha kooxda Unitedka, isla markaana uusan wax shaki ah ku jirin sare u kac mooyee inaysan hoos u dhic ku imaan iibsashada Garamadooda.

Waxaa xusid mudan warbixin dhawaan lasoo saaray in sanadii tagtay ee 2016 maaliyadaha Man United ay noqdeen kuwa loogu iibsashada badnaa, taasoo door weyn ka geesatay saxiixyadii ay sameysay kooxda ee Zlatan Ibrahimovic iyo  Paul Pogba , in sare u kac weyn ay ku yimaadaan iibsashada maaliyadaha kooxda Manchester United.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay iibisay sanadii tagtay ee 2016 maaliyada gaaraya 2,000,850, waxayna rikoodhkan ku garaacday kooxda Real Madrid oo soo gashay booska 2aad kadib markii Maaliyadaha Los Blancos Laga iibsaday sanadii 2016, ilaa iyo  2,000,290.

Barcelona ayaa booska Saddexaad soo gashay oo iyadana oo iibisay maaliyado dhan 1,000,980, halka sidoo kale maaliyadaha Chelsea ay ahaayeen kuwii 4aad ee loogu iibsashada badnaa waxaana la iibsaday 1,000,650, Bayern Munich ayaa iyaduna iibisay maaliyadu dhan nus million

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More