Malta oo xirtay Askari dhaawacay Tahriibe Soomaali ah!

Darren Bonello oo kamid ah Ilaalada Xerada Qaxootiga Malta ee Safi ayaa lagu oogay dacwad ka dhan ah dhaawac uu u geystay Cabdiraxmaan Cabdullaah Xamsa oo ah tahriibe Soomaali ah oo ku sugnaa xeradaas.

Askariga ayaa la sheegay in uu rasaasta furay kadib markii ay baxsadeen 27-ruux oo uu qayb ka ahaa Wiilka Soomaaliga ah, maadaama uu doonayay in uu cabsi geliyo dadka si aysan xerada uga baxsan.

Darren Bonello oo ah 30-Sano jir ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana hubka looga dhigay Si KMG ah, maadaama uu sameeyay xad gudub dhanka isticmaalka hubka Ciidamada ammaanka oo laga reebay in ay ridaan rasaasta nool ee sababi karta dhimasho & Dhaawac.

Eedeysane Darren ayaa ku adkeysatay in uusan dambi gelin ayaa helay dalab damaanad lacageed ah taas oo qareenkiisa uu u gudbiyey xeerbeegtada si looga dhaafo eedeynta culus ee dul-saaran Ninka uu difaacaha u yahay.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xamsa oo ah Ninka ku dhaawacmay xabadda uu riday Askariga Booliiska ayaa la tilmaamay in dhaawiciisu yahay mid fudud, isla markaana dib loo eegayo xaaladdiisa oo si gaar ah loola soconayo.

Malta Today, oo daabacday warkaan ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay ay gaarayaan ilaa afar ruux, waxaana kamid ah Cali Cabdirisaaq oo 23-jir ah oo kasoo jeeda Suudaan iyo Abrihema Giymay Mengisteab oo ah 22-jir kasoo jeeda Eretareeya, labaduba waa dhaawac halis ah.

Malta waa marinka tahriibayaasha ka safra qaaradda Afrika Gaar ahaan Dalka Liibiya ay uga sii gudbaan wadamada kale ee Qaaradda Yurub, waxaana ku nool dad kooban oo qiyaastii ugu dambeysay 2020-ka lagu sameeyay lagu sheegay 441,543-ruux.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More