Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baar…

Dhuusamareeb (Axadle) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. 

Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. 

Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. 

Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. 

Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. 

Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. 

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. 

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More