#Madoobe oo Aqbalay diiwaangelinta musharixiinta, iyo Xiliga Ay Dhaceyso Doorashada oo isbadashay

14,551

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wax ka badal ku sameeyay go’aankoodii ahaa in ay soo xirantay diiwaangelinta Musharixiinta.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Xubnaha guddiga oo ay kaga arrisanayeen baaqa beesha Caalamka ee ah in fursado la siiyo Musharixiinta aan horay isku diiwaangelin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay la kulmeen Wufuudda ka kala socotay Urur Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Beesha Caalamka waxa uu u sheegay in waqti siinta musharixiinta iyo wax ka badalka Doorashada ay u taallo Guddiga.

Intaas kadib Xubnaha Beesha Caalamka waxa ay si toos ah u bartilmaameedsadeen Guddiga Doorashada oo ay kala hadleen Doorasho Xor iyo Xalaal ah, isla markaana ay kawada qaybgalaan Musharixiinta Xildoonka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxa bannaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin.

Waxaa dib u dhac ku yimid waqtigii ay maalmo kahor u qorsheeyeen habraaca Doorashada oo ku beegneed 19-ka, iyada oo laga dhigay Doorashada Madaxweynaha 22 bishan.

Warsaxaafadeedka oo ku qornaa English waxaa loo diray Xubnaha Beesha Caalamka, si ugu yaraan ay cadaadista ugu yareeyaan Guddiga oo isaga soo muuseen Madaxda Waqtigooda sii dhamaanayo ee Jubbaland.

Xubnaha la magac baxay Isbadal doonka ee kasoo horjeeda in Mar saddexaad uu Kursiga Madaxweynaha Jubbaland helo Axmed Madoobe waxaa loo qabtay saddex Cisho oo ka bilaabaneysa 17-ka bishan, kuna eg 19-ka Bishan.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran Luqad Qalad (English)

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More