#Madoobe iyo Xiddig oo lagu doortay Magaalada Kismaayo

33,729

Xildhibaannada Maamulka Jubaland ee taabacsan garabka Axmed Madoobe ayaa madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaamka halka kuwa isbeddel doonka la baxay ay Madaxweyne u doorteen C/Rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa marti gelisay Doorasho iska soo horjeedda waxaana codeyn ka dhacday Magaaladaas gaar ahaanna xarunta doorashada Jubaland Axmed Madoobe uu wareegga 1aad ku dhaafay codadkii laga rabay.

Saddex Musharrax oo kaliya ayey ahaayeen waxaana Axmed Madoobe uu guuleystay Wareegga 1aad.

Dhinaca kale Doorasho iyana ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Xildhibaannada la baxay Isbeddel doonka ku doorteen C/Rashiid Maxamed Xiddig, kaas oo la tartamay C/Naasir Seeraar Maax.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladda siyaasadeed ee Jubaland iyada oo Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ka soo horjeesteen doorashooyinka isdiiddan ee ka dhacay Kismaayo.

Inkasta oo lagu dhawaaqay dhismihiisa 3-da bishii April sanadkii 2011-kii, haddana maamulkan ayaa waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday dowlad goboleedyadda dalka ka jira 29-ka August ee 2013-kii.

Jubbaland oo saddex gobol ah; Gedo iyo labadda Jubba [Hoose iyo Dhexe] ayaa magaala madaxdiisu waxay tahay Bu’aalle, halkaasi oo ay Al-Shabaab haysato sida magaalooyin kale.

Wallow ay socdaan dedaalo looga xorreynayo, Jubadda Dhexe oo dhan ayaa waxa uu gacanta ugu jiraa maleyshiyaadka xiriirka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Sidda ay ka dhawaajisay Qaramada Midoobay, doorashadan ayaa muhiim u ah geedi u socodka nabadda, amniga, siyaasadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More