Madoobe iyo Deni oo ku hungoobay dalab ka dhan ah Farmaajo

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ku guul-darreystay mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada doorashada ee kala dhaxeeya madax goboleedyada kale iyo Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa saxafadda u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan.

Dalabkan ayaa ka mid ahaa dhowr shuruud oo hortaagan wada-hadallada, oo sidoo kale ay ku jiraan ajendaha shirka, iyo amniga goobta shirka. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodayey in muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, sidaas darteedna uusan haysan sharciyad uu shirka ku hoggaamiyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa saxafadda u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u sheegay inaysan suurta-gal aheyn in la fuliyo mid kasta oo ka mid ah dalabyada ay wataan, sidaas darteedna kula taliyeen inay ka tagaan kuwa aan muhiimka aheyn.

Arrintan ayaa Axmed Madoobe iyo Deni looga dhaadhiciyey kulan ay si gaar ah Axaddii ula yeesheen wakiilada beesha caalamka, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan.

Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in tani beddelkeed la fulin doono inta badan dalabyada kale ee ay wataan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, si wada-hadallada ay dib ugu billowdaan, heshiisna looga gaaro doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More