Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo saaray digniin militeri oo kale – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wariyaasha ayaa mar kale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka doorashada iyo arrimaha ciidamada.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay dhowr jeer ka digeen in la siyaasadeeyo ciidanka, laakiin ay arkeen wixii dhacay, sida uu yiri.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Milatariga inay diidaan wax kasta oo dastuurka ku xadgudbaya.

“Marar badan ayaan ka digay in la siyaasadeeyo ciidanka, waadna aragteen waxa dhacay, waxaan u mahadcelinayaa ciidamada oo diiday inay adeegsadaan wax aan dastuurka waafaqsanayn, waxaanan farayaa ciidanka inay diidaan wax kasta oo dastuurka khilaafsan. ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Maxamuud.

Wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay in wax walba lagu dhameeyo miiska wadahadalka lagana hadlo mustaqbalka dalka iyo nabadgelyadiisa.

Hadalkan ayaa imanaya kadib dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa kale oo kasoo horjeeday madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo mudo labo sano ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More