#Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maamul cusub u magacaabay Baardheere

4

- Advertisement -

Iyadoo muddooyinki dambe uu jiray khilaaf qaatay muddo islamarkana ka dhashay is-qab-qabsi la xiriira maamulka degmada Baardheere, ayaa Madaxweyne kux-geenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan oo kusugan degmadaasi, wuxuu magcaabay maamul.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa loo magcaabay isla Guddoomiyahii hore Cabdullaahi Nuur Xassan Caddow, halka kuxigeenkana loo magcaabay Ismaaciil Sheekh Qorrax Koofi, waxaa jira xubno cusub oo lagu daray maamulka waana xubnaha hoose.

Ka dib kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Odayasha Dhaqanka beelaha kale duwan ee deegaanka ayuu Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu qaatay in isla maamulkii hore dib loo magcaabo si ay dardargeliyaan shaqooyinka qabyada ah ee u yaalla.

Warqadda magcaabista oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha waaxda qorshaynta ee madaxtooyada Jubaland Cabdicasiis Maxamed Xasan Ilkacase.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More